AI Image: Prompt Wacyigelin Ah (Af-Soomaali): "Oday Soomaaliyeed oo bulshada la hadlaya, cod deggan oo murugo
Prompt
Prompt Wacyigelin Ah (Af-Soomaali): "Oday Soomaaliyeed oo bulshada la hadlaya, cod deggan oo murugo iyo wacyigelin leh. Wuxuu leeyahay:** 'Soomaaliyeey, maxaynu baraha bulshada ku soo kordhinay oo faa'iido leh? Maalin kasta waxaan aragnaa qabyaalad la faafinayo, gabdho niikinaya, wiilal dhaqan xumo ku soo bandhigaya Telegram, iyo gabdho TikTok ku soo bandhigaya wax aan bulshada anfici karin. Dad badan oo dunida ku nool waxay internet-ka ku wadaagaan cilmi, aqoon, ganacsi, hal-abuur iyo wax bulshada anfaca. Laakiin innaga badankeen waqtigeenna waxaan ku luminnaa waxyaabo aan faa'iido lahayn. Walaalayaal, internet-ku waa fursad weyn oo lagu horumari karo nolosha, lagu baran karo aqoon, laguna faafin karo kheyr. Ilaahay ka baqa, kana fogow faafinta xumaanta. Qof walba ha isku dayo inuu bulshada u gudbiyo wax wanaagsan oo anfaca dadka iyo dalkaba. Kheyrka faafiya, xumaantana ka dheeraada. Waa talo walaalnimo.' Muuqaalka: Oday Soomaaliyeed oo meel bulshada isugu timid taagan, dad dhageysanaya, muuqaallo muujinaya waxbarasho, shaqo, hal-abuur iyo isticmaalka wanaagsan ee internet-ka. Qaab: Wacyigelin, qaranimo iyo dhiirrigelin bulshada lagu baraarujinayo.
Created June 21, 2026
Create Your Own Version
Use this prompt as inspiration or remix it into something new.